Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mr Mahiga oo dhexdhexaadiyay Caalin Iyo Faroole intuusan Garoowe u Duulin
Muqdisho(MMedia) Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa goor dhow ka dhoofay magaalada Muqdisho, kadib hal cisho uu ku sugnaa, iyadoo maanta uu ka qeyb galay wajigii labaad ee shirka wada tashiga oo maanta lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha.
Faroole ayaa ka hor inta uusan ka ambabixin garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa isaga iyo Madaxweynaha Galmudug la dhex dhigay heshiis, waxaana soo kala dhex galay Ergeyga Qaramada Midoobey, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Heshiiska la dhex dhigay isaga iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa qeyb ka ahaa qodob ka mid ahaa ajandayaashii maanta, kaasoo ku saabsanaa colaadaha iyo sida loo xalin karo.
Madaxweyne Faroole ayaa ku laabtay Magaalada Garowe, hase ahaatee Wafdiga Puntland uga qeyb galaya shirka wada tashiga ayaa wali ku sugan Muqdisho, kuwaasoo ilaa berri ka qeyb geli doona shirka wada tashiga oo la filayo in war murtiyeed laga soo saaro.
Maakhir Media Muqdisho
|
|
