|

Kalfadhigii Golaha Deegaanka Garoowe oo Furmay

Garoowe(MMedia) Waxaa maanta si rasmi ah u furmey kalfadhigii golaha deegaanka ee Caasimadda Puntland Garowe. Kalfadhiga waxaa ka soo qaybgalay marti sharaf kala geddisan waxaana furey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Hormarinta Reer Miyiga ee Dawladda Puntland Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkojiir).

Furitaankii shirka waxaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyey Duqa magaalada Garowe ahna guddoomiyaha golaha deegaanka ee Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi

Duqa magaalada Garoowe ayaa ka hadley waxyaabihii u qabsoomey lixdii bilood ee la soo dhaafey waxaana uu sheegay in ay si weyn uga shaqeeyeen bilicda magaalada, sida jididka oo la hagaajiyo, abuurista dhirta iyo nadaafadda guud ee magaalada. Sidoo kale waxa uu ka sheekeeyey sida ay kormeero joogto ah ugu sameeyaan suuqyada waaweyn ee magaalada iyo meheradaha lagu cunteeyo si loo ilaaliyo nadaafadda goobahaas. Cabdicasiis Nuur Cilmi ayaa sheegay in ay ka shaqeeyeen kobcinta dakhliga soo gala Dawladda Hoose.

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Hormarinta Reer Miyiga Gen.Cabdulaahi Axmed Jaamac ayaa isaguna ka hadley furitaankii kalfadhiga, Wasiirka ayaa sheegay in Dawladda Hoose ee Garowe ay qabatay wax wayn taas oo ay ka mid tahay barnaamijki hormarinta degmooyinka ee JPLG ee Qaramada Mdiibey maalgelineysey in ay ka qaateen billad sida wanaagsan ee ay u hirgaliyeen. Wasiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqey in ay ku hawlan yihiin dhawaan dhamastirka goloyaasha deeganaada magaalooyinka aan loo samayn.

Wasiirka ayaa kula dardaarmey golaha deegaanku in ay ka shaqeeyaan hormarka caasimadda, isla markaana ay ka dheeradaan khilaafka iyo in la dayaco hawlaha shaqo ee loo igmadey.

Kalfadhiga golaha deegaanka Garowe waxaa maanta ka soo qaybgalay 18 Xildhibaan, waxaana looga hadli doonaa waxyaabihii ka hirgalay shaqooyinkii loo balamay kalfadhigii hore, iyo waxa la qaban doono bilaha soo socda.

Maakhir Media Garoowe

Comments are closed