|

Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabay Liiska Xubnaha Diiwaangelinta Ururada Siyaasada

Hargaysa(MMedia) Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu caawa xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0170/092011 ku  magacaabay Guddida diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

Madaxweynuhu :

:

  Markuu Arkay:                                    Qodobka 9aad iyo 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:                                      Qodobka 3aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011,

Markuu Tixgeliyey:                                Baahida loo qabo in la magacaabo Guddida Diiwangelinta Ururada Siyasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee JSL.

Wuxuu go’aansaday

 

In uu magacaabo Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee JSL, Guddidaas oo ka kooban 7 xubnood, oo ay kala ah:

  1. 1.         Cabdalle Ibraahim Maxamed
  2. 2.      Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale)
  3. 3.      Xasan Axmed Ducaale (Macalin): Garyaqaan
  4. 4.      Cumar Xasan Jaamac
  5. 5.       Maxamed Cabdi Maalik
  6. 6.      Aadan Geedi Qayadi
  7. 7.       Ismaaciil Cabdilaahi Cali

 

ALLAA                         MAHAD                             LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )

     Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed