Maamulka Faroole oo Ku Fashilmay Dagaalkii Qarsoonaa ee Gaalkacyo(Warbixin Xasaasiya)
Gaalkacyo(MMedia) Ka dib dagaalo qorshaysan oo lagu fulin jiray waxgaradka iyo Aqoonyahanka Reer Mudug ayaa si xowli aha u socotay mudooyinkii danbe waxaana la garan la,aa cida gaysata dakanooyinka iska soo daba dhacayay waxaanay aakhirkii sababtay in gacanta lagu soo dhigay cidii ka danbaysay dilalka qoshaysan waxaana ilaahay gacantooda ku guuleeyay inay soo qabtaan dhagar qabayaashan dilalka fulinaya Ciidamo daacad u ah Beesha Leelkase ka dib markii la dilay Caaqil beeshaas ka mida.
Hadaba waraysiyo ay lala yeeshay nimankii fulinayay dilalka qorshaysan ayaa cadeeyay cida adeegsata iyo meesha laga maalgeliyo waxaana lasoo qabtay ninka tirsan Dowlada hoose ee Gaalkacyo iyo Gabar haysta Hotel kuyaal isla Gaalkacyo kuwaasoo bixin jiray khrashka iyo hub dadkan lagu laynayo. Waxanay sheegeen labadan shakhsi ee lasoo qabtay inay falalkan ay sameenayeen ka danbaysay Itoobiya gcanta ugu wayna uu ka gaysan jiray Safiirka Itoobiya u Fadhiya Garoowe. Xaaladu markay halkaas maraysay waxa arintii soo dhexgalay Maamulka P/land oo Beesha leelkase ka codsaday inay usoo gacan Afartii ruux ee oo tirinayay Howlagaldan indheergaradka lagu laynayo si ay su,aalo dheeriya usii waydiiyaan
Halkii laga filayay inay Maamulka P/land wax ka qabtaan sidii loo soo afjari lahaa qorshaha Itoobiya wadata ee lagu ugaarsanayo Aqoonyahanka Reer P/land ayaa waxa xigtay in dagaal qorshaysan laga soo abaabulo Garoowe waxaana sabab looga soo dhigay in lasoo qabto wiil u dhashay Gobolka Bay oo u shaqayn jiray Wiil Leekase ah ka dibna sidii loo jirdilayay Naftada lagaga saaray
Inkastoo Maamulka P/land iyo Itoobiya xiriir wayn ka dhaxeeyo waxa Faroole go,aansaday sidii Itoobiya kiiskan looga jeedin lahaa waxaanu bilaabay in la fuliyo qorshe dahsoon indhahana lagag duwayo dhagarta Itoobiyo ku hayso Shacabka P/land
Waxaana xigtay in si loo huriyo dagaal waxa la amray in lasoo qabto wiilkii reer Bay ee la dilay wiilkii uu u shaqaynayay wiilkaas oo kasoo jeeda Beesha Leelkase taasina waxay sababtay in wiilku u qayla dhaan dirsado Beesha uu kasoo jeedo waxaanay sababtay Dagaal dhexmara Ciidamdii ka socday P/land iyo Kuwii usoo gurmaday wiilka la rabay ina la xiro.
Hadaba arinta dagaalka hadaanuu ahayn qorshe dejisan waxa loo mari lahaa wado nabadeed qabashada wiilka lala xiriirinayo inuu gacan saar lalaah dadkii hore loo qab qabtay ee dilalka qorshaysan ka fulin jiray Gaalkacyo waxaana si nabada loogu diri lahaa odayaashiisa si ay usoo gacan geliyaan danbiga lagu haysto loogu cadayn lahaa haduu jiro waxaase xigtay in Xaafada Garsoor ee ay degan yihiin Beesha Leelkase lagu qaado Guluf dagaal oo sababay Khasaare isugu jira dhimasho,dhawaaca iyo Hanti badan la baabi,iyay waxaana dadkii kasoo jeeday Xaafadaas Garsoor ee Dagaalka Xaqdarda ah lagu qaaday lagu shaanbadeeyay inay yihiin Alshabaab oo mudooyinkii ugu danbeeyay ay Maamulka Faroole ka dhigtay Kaadh ay u isticmaashi cidii kasoo horjeesata Siyaasadiida Guracan.
Inkastoo shaqaaqadan hada ay kusoo baxeen Isimo badan oo isaga kala yimi Gobolo door ah hadana waxa cad oo marag madoonto in dagaalku hada u dhaxeeyo Beesha Leelkase iyo Beel Huwan Maamulka P/land kuwaasoo tacadi ka gaystay Magaalda Gaalkacyo.waxaana iminka socota waan waan lagu doonayo in dagaalka lagu qaboojiyo iyo sidii ciidamda is horfadhiya loo kala rari lahaa si loo soo celiyo amaankii Magaalada
Muumin Cali
Maakhir Media Gaalkacyo
