|

QM”Waa in lagu dhaqmaa Qodobada Shirka ka soo baxa

Muqdisho-(MMedia)-Ergayga gaar ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Dr. Augustine Mhiga ayaa sheegay in ergada ka soo  qayb gashay shirka wada tashiga ah ee Muqdisho ka socda in ay ku dhaqmaan oo ay hergaliyaan dhammaan qodobada ka soo baxaya shirka wada tashiga si caalamku uu u xoojiyo taageerada la siinayo dowladda Soomaaliya.

Dr. Mhiga ayaa tilmaamay in Qaramada Midoobay ay shirkaan ahmiyad weyn siineyso sidaasi darteed shirkaan waxaa ku tashanaya dhammaan shacabka Soomaaliya ee in muddo ah dhibaato ku jirtay.

U qaabilsanaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in taageerada Q.M ay siineyso Soomaaliya ay ku xiran tahay shirkan iyo sida loogu dhaqmo si meseha ay uga baxaan dadka aaminsan in aan waxa natiijo ah laga gaari doonin.

Mhiga ayaa hadalkaan ka jeediyay furitaankii shirka wada tashiga ee shalay Muqdisho ka furmay, isagoo carabaabay in uu ku kalsoon yahay in laga gaari doono guul islamarkaana ay shacabka Soomaaliyeed ay ka bixi doonaan mushkilada muddada labaatanka sano ay ku jirtay.

Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay ergada ka qayb galaysa shirka wada tashiga in ay hergaliyaan qodobada ka soo baxaya shirkaasi.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed