|

Somaliland waa in dadka Oromada ahi ay ka baxaan Dalka

Hargaysa-(MMedia)-Masuuliyiinta JSL ayaa warsaxafdeed ay soo sareen ku sheegay in ay ka baxaan oromada soo buux dhaafisay magaalada Hargaysa iyo dhamaan dalka oo dhan.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta Dawlada ayaa sheegay in  ay dadkan oromada ahi ay ka baxaan Magaalada Hargaysa waxaa ay ku macneeyeen hadlkan in dadka Oromada ahi ay soo buux dhaafiyeen magaalada iyado ay sioo kale sheegeen in ay  wataan  nadaafad xumo iyo far badni meelkasta oo ay joogaan.

Bayaankan kasoo baxay xukuumada Somaliland ayaa ah mid ay dadka Oromada ahi ay si aad uga naxeen iyadoo ay sheegeen in ay  u baahan yihiin ayna yihiin dad masaakina oo usoo qutal daruuri  usoo doontay somaalilad.

wali kama ay san hadlin  haaydaha u dooda qaxootiga iyo kuwa daryeela qaxootiga iyadoo ay dadkanina ad uga cabanayaan sida looga sarayo magaalada Haragysa Somaliland .

Maakhir Media Xafiskisa Hargaysa

Comments are closed