|

Waxgaradka beesha warsangeli ee north america oo baaq nabadeed ka soo saaray dagaalada ka dhacay magaalada gaalkacayo

Baaq nabadeed oo laga soo saaraya dagaalka Gaalkacayo iyo sidii looga gudbi lahaa Dagaalka oo nabad loogu jeesan lahaa

Bismilaahi raxmaani raxiim:

Mahad oo dhami allah ayey u sugnaatay,Nabad gelyo iyo naxariisi nebi mohamed( SCW) korkiisa ha ahaato.

Intaas ka dib:

Anagoo ah waxagaradka Beesha Warsangeli ee ku nool Waqooyiga America,waxaanu baaq nabadeed u diraynaa dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug.

Waxa aanu aad uga xunaha dagaalka aan qiimaha lahayn ee ka dhacay Magaalada Gaalkacayo kaasoo galaaftay nafo badan oo ehel iyo walaaloba ah, islamarkaasna muslinimo iyo maamulba wadaaga.

Waxaan xasuusinaynaa Maamul iyo shacaba xigmadii ahayd, Dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, iyo Nabad baa naas la nuugo leh.

Haddaba waxaanu baaqayagan ku soo koobaynaa qodobadan:

1-Waxaan ku baaqaynnaa xabbad joojin deg deg ah oo aan shuruud lahayn.

2- In la isugu yimaado wada hadal nabadeed oo lagu soo afjarayo mushkiladda meesha ka dhacday.

3-Waxaanu ugu baaqaynaaa dhamaan salaadiinta,culimaa”udiinka, dawlada puntland,waxgaradka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gobolka mudug in ay u istaagaan sidii loosoo af jari lahaa colaada ka aloosantay magaalada gaalkacayo.

4-waxaanu tacsi u diraynaa intii ku dhimatay(alle ha u naxariisto) iyo intii ku dhaawacantayba(alle ha u booga dhayo).

5-waxaanu ku baaqaynaa in aan dhibaatada dhacday lagu sii darin mid kale ee labada dhinacba muujiyaan dulqaad isla markaasna tixgeliyaan baaqyada loo soo jeedinayo.

Alle waxaan weydiisanaynaa inuu colaada iyo dhibka inka ka qaado, inoo kuna bedelo nabad iyo isfaham khayr leh.

Waxgaradka beesha warsangeli ee north america.

alle ayaa mahad leh.

Said Deeq
saanyade@yahoo.com

Comments are closed