|

Shirka wada Tashiga Somaaliya oo malintii labad ka furmay Muqdisho

Muqdisho-(MMedia)-Waxaa maanta maaalintii labaad galay shirka wadatashiga ah ee shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho kaasi oo la filayo in maanta laguddo galo sidii looga doodi lahaa qodobadii loogu tala galay. http://maakhir.net/london/wp-content/uploads/2011/09/Madaxweyne-Sheekh-Shariif-oo-Shirka-Qudbad-Ka-Jeedinaya.jpg

Shirka ayaa waxaa maanta qaybtiisii labaad lagu qabanayaa garoonka Diyaaraha caalamiga ee magaalada Muqdisho iyadoo hada ay ergada shirka ka soo qayb gashay ay ku sii qul qulayaan guddaha garoonka diyaarahada Aadan Cade Airport.

Waxaa maanta la filayaa in laga doodo qodobo ay ka mi yihiin sidii looga gudbi lahaa marxalada KMG ah arrimaha Dastuurka ee uu dalka yeelanayo iyo in dib u baheen lagu sameyo xubnaha gollada Baarlamaanka o aad u tira badan.

Dhinaca kale jawiga  magaalada Muqdisho ayaa waxa uu yahay mid aad u degan iyadoo ammaanka ay sidii looga bartay ay u sugayaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugan dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho.

Maakhir Media Muqdisho.

Comments are closed