|

Badhasabka Gobolka Awda oo is casiay

Attawa-(MMedia)-Guddoomiyihii  gobolka Awdal  mudane Xasan Daahir Xadi (Xasan Ciid) ayaa iska-casilay xilkii guddoomiynimada Gobolka Awdal sababo isaga u gaar ah.
Guddoomiyaha oo  ku sugan  magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa sheegay in iscasilaadiisa aysan salka ku hayn wax siyaasad ah, balse ay ku kooban tahay arrin isaga u gaar ah.
Mudane Xasan Ciid oo faahfaahin dheeraad ka bixinayo iscasilaadiisa ayaa sheegay in arrimihii uu u yimid dalka Canada ay ku dheeraatay kaddibna ay la gudboonaatay in howsha qaranka aysan isaga u xayirnaanin ee cid kale loo magacaabo.
“Waxaan si aad ah ugu mahad-naqayaa maamulka iyo shacabka reer Somaliland, gaar ahaan madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo iyo Madaxweyne ku-xigeenka mudane C/raxmaan C/llaahi  Ismaaciil (Zeylici). Mana jiraan wax khilaaf ah oo noo dhexyaala aniga iyo madaxda Somaliland,” ayuu yiri Xasan Ciid. “Waxaan ammaan gaar ah u jeedinayaa  dadweynaha gobolka Awadal oo ii muujiyey wadashaqeyn muddadii yarayd ee aan xilka hayay.”
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa bishii Juun 9-keedii u magacaabay Xasan Daahir Xadi Abraar guddoomiynimada gobolka Awdal.
Source Oodweynenews
Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed