|

War Deg dega Taliyihii Ciidanka Daraawishta Gobolka Mudug iyo Cayn oo lagu dilay Gaalkacyo

Gaalkacayo-(MMedia)-Wararka ka imaanaya magalaada Gaalkacayo ayaa sheegaya in lagu dilay Taliyihii ciidanka  ee daraawishtaGobolka Mudug Puntland isagoo gaadhay xaafada Garsoor halkaasi oo ay dagaal ka socday ilaa shay.

Gashaanle Sare  Maxamud  ilka dheere ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay magaalada Gaalkacayo isago iyo shan kamida istaafkii la socday waxaa wararku inaa ku darayaan in taliyiihi marki la weeraray daqiiqado kadib ay naftu ka baxday.

waxaa sidoo kale wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacayo ay sheegayaan in Rasaas laga maqlayaao daafaha magaalada iyadoo dad goob joogayaal ahi ay sheegen in dagaal uu ka socdo aan saa u waynayn .

Waxaa noo suurta gali wayday in  aan la xidhiidhno saraakisha ciidanka Amaanka puntland iyadoo ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan dilka Taliyaha Gobolka waxaase ay sheegen in ay gadaal kasoo sheegi doonaan.

Wixuuw ar ah oo arinkaasi kasoo baxa waan idinla socod siin doonaa .

Maakhir Media Gaalkacayo.

Comments are closed