|

Wasiirka Warfaafinta DKMG ee Somaliya oo sheegay in shirka wada tashigu uu Bari furmaayo

Muqdisho-(MMedia)-Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maalinta berri uu furmayo shirka wada tashiga ee looga hadlayo aayaha Soomaaliya, kaasoo ay ka qeyb geli doonaan ergo fara badan oo dhinacyada Soomaalida ka wada socota.

Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Xuseen Jahweyn oo la hadlay warbaahinta afka Dowladda ku hadasha ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in shirka uu maalinta beri si rasmi ah u furmi doono, taariikhdana ku beegan tahay 4-ta bisha.

Ina Jahweyn ayaa sheegay in muhiimada shirkaas iyo waxyaabaha looga hadli doono ay tahay sidii la iskula meel dhigi lahaa marxalada kala guurka ah sida uu yiri.

“Muhiimada shirka waxa weeyaan qorshaha ku aadan marxalada kala guurka, sidii loo dhameystiri lahaa, in marka hore dastuurka la sameeyo, aftina loo qaado, qorshaha nabadgelyada dalka, waxaa qeyb ka ah in Maamulada dalka ka jira, iyo in dowlad wanaag la helo”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo intaa ku daray in ujeedada tahay sidii looga bixi lahaa xilliga KMG ah.

Shirkan oo ay fududeyneyso Qaramada Midoobey ayaa maalinta berri la filayaa inay ka soo qeyb galaan Maamulada Galmudug, Puntland, Dowladda KMG iyo dhinacyada qeybaha bulshada Soomaaliyed, inkastoo wali aan lagu cadeyn cida ka qeyb geli doonto.

Waxaa daafaha dunida iyo Gobolada dalka ka kala imaanaya dad somaliyeed kuwaasi oo isgu jira isimo waxgarad iyo aqoon yahano kuwaasi oo doonaya inay ka qayb galaan shirka wada tashiga somaalida ee ka dhacaya magaalada Muqdisho .

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed