Faah faahin ka soo baxaysa Wariye Malisiana oo ay dileen Ciidamada AMiSOM
Muqdisho-(MMedia)-Ciidamo ka tirsan Amisom ayaa rasaas ooda kaga qaaday shalay gelinkii dambe gaari kuwa raaxada ah oo ay saarnaayeen wariiyayaal iyo shaqaale samafalayaal ah oo u dhashay dalka Melesia.
Kolonyo gaadiid Amisom ah oo marayey inta u dhaxeeysa garoonka diyaaradaha iyo Airporka Muqdisho ayaa shaki ka qaaday gaari ka dibna rasaas ku furay iyadoona uu ku dhintay wariye Camareman ah oo u shaqeeynayey Telefishinka la yiraahdo Bernama , waxaana ku dhaawacmay wariye kale oo isna Maleesiyaan ah oo u shaqeeynayey TV3.
Tan Su Lin oo ah wariyad Melesiyaan ah oo la socotay gaariga rasaasta lala dhacay ayaa u sheegtay wakaaladaha iyo TV-yada dalkaasi in rasaasta ay soo fureen ciidamo Amisom ah, waxa ayna sheegtay in hub culus dhanka midig ee gaariga mar qura laga soo riday.
Sidoo kale Tan Sun Lin ayaa sheegay in wariyaha dhintay oo magaciisa lagu sheegay Vesul oo da’diisa lagu sheegay 39 jir uu u dhintay dhaawac xoog leg oo gaaray mudo 30 daqiiqado ka dib iyadoona tilmaamntay in xilga rasaasta lagu furayey ay galbinayeen ciidamo Dowladda KMG ka tirsan.
falalka sidaan oo kale ah oo ay Amisom geeystaan ayaa marar badan lagu sameeyey shacab Soomalaiyeed oo gawaari saaran kuwaasi oo ay Amisom uga shakisay in ay sameeyn rabaan falal argagixiso.
ka dib markii Soomaaliya looga dhawaaqay macluusha ayaa waxaa si isdaba jooga ah Muqdisho u soo gaaraya samafalayaal iyo wufuud caalami ah iyo wariyayaal cadaan ah kuwaasi oo gacan siinaya dadka abaaraha ay soo barakiciyee.
Maakhir Media Muqdisho.
