Madaxwaynaha Puntland iyo Gudoomiyaha Baarlamanka oo isku khilaafay xaalada Gaalkacayo
Garowe-(MMedia)-wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in ay kulan yeesheen madaxwayanaha Puntland iyo gudoomiyaha Baarlamanka iyagoo kawada hadlay arinta xaalada dagaalada gaalkacayo.
waxa ay waararka ka imaanayaa Garowe ay sheegayaan in ay kulan isgu yimaadeen madaxwaayne C/raxmaan Faroole iyo Gudoomiye C/rashiid kaasi oo ay kawada hadleen dadka ka soo horjeeda dawlada ee xaafada Garsoor ee gaalkacayo kadibana uu is afgaran waa ka dhacay kulankii labada masuul.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Faroole u markii hore ogolaaday in qaab nabadeed lagu dhameeyo xiisada isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara in dhiigga shacabka uu daato hase yeeshee waxay arintu adkaatay ka dib markii saacadihii u dambeeyey uu madaxweynuhu diiday arinkaa isagoo ku adkeystay in ciidan loo diro xaafada Garsoor ee waqooyiga Gaalkacyo taasoo sababtay dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay magaalada.
Gudoomiyaha barlamaanka C/rashiid Maxamed Xersi wuxuu ku dooday inuu isagu arinta wax ka xalinayo isla markaana uu ka keenayo nabad isagoo sheegay in waqtigan aysan ahayn waqti gudaha lagu dagaalamo laguna jiro marxalad xasaasi ah.
Kulankii ay wada lahaayeen labada masuul oo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen wasiiro ka tirsan maamulka ayaa ugu dambeyn lagu kala dareeray.
Xildhibaano ka tirsan barlamaanka Puntland iyo odayaal dhaqameed ayaa la sheegayaa inay hadda arinta ku jiraan oo ay doonayaan inay dhexdhexaadiyaan labada masuul isla markaana la helo wadiiqo loo mari karo xalka magaalada Gaalkacyo.
Dagaalka ka dhacay Gaalkacyo Khamiistii iyo Jimcihii oo sababay khasaare fara badan ayaa la sheegayaa inuu saameyn weyn ku yeeshay dadka rayidka ee ku wada nool magaalada, waxaana weli magaalada laga dareemayaa barakac iyo kala xirnaan ka jirta xaafadaha ku yaalla waqooyiga Gaalkacyo hrey aan sidaa looga baran.
dhimashada inta la og yahay ayaa ka badan 35 ruux halka dhaawacyada ay kor u dhaafayaan 100 ruux oo u badan rayid waxaa sidoo kale burbur uu soo gaadhay dhamaan guryihi ku yaalay xaafada uu dagaalku ka socday ,sidoo kale waxaa iyana degen goobihii dagaalku ka dhacay shalay ilaa doraad.
Maakhir Media Garowe.
