Madaxwayne Faroole oo Muqdisho Bari u dhoofi doona
Garowe-(MMedia)Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxwyanaha puntland uu u dhooi doono magaalada muqdisho halkaasi oo uu ka qayb gali doono shirka wada tashiga Somalida ee Muqdisho ka dhici doona .
Warka tagitaaanka Muqdisho madaxwyanaha puntland ayaa waxa uu naga soo gaadhay Madaxtooyada Garowe iyadoo ay noo sheegeen in maalinta Bari ah uu u dhoofi doono madaxwayanah Magaalada Muqdisho isaga iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo .
Dhawaan ayay ahayd markii ay wafdi sare oo ay kamid yihiin madaxwyanaha iyo Raysal wasaraha Somaliya ay yimaadeed magaalada Garowe si ay puntland uga qanciyaan in ay timaado shirka wada tashiga Somaaliya ee lagu qabanaayao caasimada Muqdisho.
Maakhir Media Garowe
