|

Dabaylo ayaa laga soo sheegayaa in ay u dhufteen xeebaha Gobolka Sanaag

Maakhir Media

Maakhir Media

Las-Qoray-(MMedia)-Wararka ka imaanaya Magaalada Laasqoray sheegaya in uu ku dhuftay dabaylo aad u xoogan  xeebaha gobolka sanaagta waqooyi iyadoo ay dadka deegaanku sheegayaan in dabaylahaasi ay ku dhufteen halkaasi.

waxaa wararku intaasi ku darayaan in ay dabalylihii ka dhacay halkaasi ay gaysteen khasaro gaadhay in la la’yahay lix doonyood oo iminka aan lagaranayn meel ay ku danbeeyeen .

Xeebaha Gobolka sanaag ee ku yaala waqooyiga  oo ay ka mid yihiin magaaloyinka Maydh,Xiis ,Laasqoray iyo dhamaan inta ku teedsan xeebaha Gobolka ayaa la sheegayaa in ay ku dhufteen dabaylahase waxaana wararku intaasi ku darayaan in aanay wax dad ah dhibaato kasoo gaadhin marka laga reebo Laashashka aay dabayluhu la tageen.

Mar aan waydiinay in ay dad kaluumaysata ah oo bada ku maqnaa ay dhibaato soo gaadhay waxy noo shegeen in aanay wali laga war hayn laakin ay inta badan joogeen kaluumaysadani.

Dabaylaha ka dhacay Xeebaha Gobolka ayaa ahaa dabaylo aad u xoogan sida ay sheegeen dadka goobahaasi joogay ,iyadoo ay dabaylo noocan oo kale ah ay ka dhacayaan qayba kamida wadanka Maraykanka iyadoo ay kuwasi gaysteen khasaaro .

Maakhir Media Laasqoray

Comments are closed