Israsaaseyn Khasaare Geystay Oo Caawa Ka Dhacdey Magaalada Bosaso
Bosaso-(MMedia)- Caawa ayaa israsaaseyn ku dhexmartay gudaha magaalada Bosaso ciidanka amniga iyo Koox la sheegay in ay Burcadbadeed yihiin.
Ciidanka amniga ayaa galay Xaafadda Minisaariyo oo u dhow Madaxtooyada,waxaana sida Wararku sheegayo ay baadi goob ugu jireen nin la sheegay in uu kamid ahaa ragii haystay Markabkii MV Juba ee u rarnaa ganacsato Somaliland ah.
Iska hor imaad ayaa ku dhexmaray xaafadda Minisaariyo gudaheeda labada dhinac ,waxaana labada dhinac ay is weydaarsadeen rasaas xoogan taas oo sababtay dhimashada nin ka tirsanaa ciidanka booliska iyo dhaawac Saddex kale.
Waxaana kooxda la sheegay in ay Burcadbadeed yihiin ka dhintay 1 qof sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray laba kale balse lama xaqiijin karo sababtoo ah Xaafadda oo noqotay mid kala xiran,waxaana dhaawac iyo dhimashada la geeyey laba Cisbitaal ee Puntland Hospital iyo Banderqasim.
Waxaan isku daynay in aan la xidhidhno Taliyaha ciidanka wata balse way noo suurta gali wayday oo xaalada ayaa iska xumayd ,dadka goob joogayasha ahi waxay kuu sheegyaan oo kaliya in ay maqlayaan dhawaaqa rasasta oo kaliya .
Iska hor imaadkan ayaa keenay dhimasho iyo dhaawax kaasi ooo labada dhinacba kaso gaadhay iyadoo aan la xaqiijin karin xaalada dhabta ah ee iminka .
Maakhir Media Bosaso

