|

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo La Magacaabay

Hargaysa(MMedia) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa manta soo saaray Digreeto uu jagada wasiirnimo ee wasaaradda arrimaha gudaha ugu magacaabay Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale Duur

War-saxaafadeedka Madaxwweyne Siilaanyo ku magacaabay xilkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo uu Numberkiisu yahay  0169/092011 ku Magacaabay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee JSL .

Madaxaweynuhu:

Markuu Arkay:                            Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:                      Ahmiyadda wayn ee ay Wasaaradu u leedahay  Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:                            In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL,

Markuu Ka Fiirsaday:                   Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo, 

Markuu ku Qancay:                     In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

 

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL. 

ALLAA                         MAHAD                             LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed