|

Al shabaab oo xarardheere wiil dhalin yara ah xukun ku riday

Xarardheere-(MMedia)-Wiil dhalin yaaro ah ayaa Xukun Tacshiir ah ay ku rideen waxaa lagu Eedeeyay Wiil oo dilkiisa ka danbeysay Kooxda  Alshabab  kuwaasi oo kusugan  degamda xarar dheere ee Gobolka Mudug.

Garaad Axmed Ashkir oo 22-jir ayaa maanta Maamulka Al Shabaab ee degmada Xarardheere waxa ay ku fuliyeen xukun dil ah sida ay ku waramayaan dadka deegaanka oo ka qeyb galay xukunkaasi oo ka dhacay fagaaro ku yaalla degmadaasi oo ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Mid ka mid dadka ku nool degmada oo uu arintaasi uga waramay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Axmed ay Al Shabaab ku eedeeyeen inuu ku kufsaday Haweeneey kadibna uu dilay, maantana ay kusoo qabteen howlgal ay ka sameeyeen degmadaasi.

Fagaaraha uu xukunka  ka dhacay ayaa waxa uu sheegay goobjoogahaasi inay kasoo qeyb galeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Al Shabaab ee Xarardheere, dad weyne aad u badan oo isugu jira Haween iyo Caruur kuwaasi oo uu xasay in lagu amray ka qeyb galka xukunkaasi.

Saraakiisha Al Shabaab ee ka hadlay halka uu xukunka ka dhacay ee degmada Xarardheere ayaa waxa ay sheegeen inay wiilkaasi dhalinyarada ah  xukunka ku fuliyeen markii uu qirtay eedeynta loo soo jeediyay,  iyagoo ugu hanjabay shacabka ku nool degmadaasi inay talaabo midaan la mid ah ay ku qaadayaan hadii ay ku kacaan falalka ay ku eedeeyeen wiilka ay dileen.

Maaha markii ugu Horaysay oo dil noocan oo kale ah ay gaystaan Alshaab iyagoo dadka ku xukuma qisaas noocan oo kale ah isla markaan ay dilaan ama qoorta ka gooyaan  iyadoo sidoo kalena ay karbaash u qoraan.

Maakhir Media Xarardheere.

Comments are closed