Wasiir Kuxigeenka Amniga P/land oo soo Bandhigay Walxaha Qarxa Yaase Ka Danbeeyay?+Sawiro
Boosaaso(MMedia) Wasaaradda amniga Puntland ayaa maanta soo bandhigaty agabka wax lagu qarxiyo kaas oo loogu talagalay in lagu qarxiyo mas’uul ka tirsan ciidamada amniga Puntland,waxaana loo soo dhiibay Wiil yar kaas oo lagu magacaabo Mursal Xasan Cali oo uu adeer u yahay mas’uulka la rabey in lagu dilo.
Walaxdan Qaraxda ayaa waxaa soo bandhigay Wasiir Kuxigeenka amniga Puntland Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo sheegat in agabka maanta ay soo bandhigeen uu yahay mid loogu talagalay masuul ka tirsan ciidamada amniga Puntland kaas oo lagu magacaabo Cali Daahir Axmed Caynab oo ku sugan magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag.
Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed ayaa wuxuu intaas ku daray in qaraxan uu sheegay wiilka loo soo dhiibay in uu geeyo guriga taliyaha si loo qarxiyo marka la dhigo guriga taliye Cali Daahir
Mursal Xasan Cali oo ahaa wiilka loo soo dhiibay qarxan ayaa isna goobtaa ka hadalay,wuxuuna sheegay in uu kamid ahaa dhalintii ka dagaalantay buuraha Calmadow ee ku yaal gobolka Sanaag uuna xiligaa ka tirsanaa ciidmada Shiikh Maxamed Siciid Atam.
Wiilka Qaraxa Fashiliyay oo Ka Waramaya
Mursal ayaa sheegay markii uu Madaxwayanaha Puntland uu sheegay in cafis loo fidinaayo dhalintii ka mid ahaa cidamda Atam i uu isaga soo baxay buuraha ay ku jireen waxii xiligaa ka danbeyeyna uu ku noola guriga Taliya Cali Daahir Axamed Cayanab
Wuxuuna intaas ku daray in markii ay qolada uu horay ula shaqayn jiray ay ogaadeen in ay xiriir dheer la soo sameeyeen ayana u sheegeen in ay doonayaan in ay u dhiibaan agabkaan kaas oo la rabo inuu geeyo guriga uu ku noolaa isagu ee taliye Cali Daahir.
Mursal ayaa sheegay in uu damiirkiisa uu siin waayay guriga uu ku nool yahay in uu qarax dhigo uuna ku qarxiyo taliyaha uu la noolyahay kasoo aha adeerkii,waxaan uu intaas ku daray inuu go’aansaday in markii agabkaan gacntiisa ay soo gaaraty uu taliyah u sheego uuna sidaa ugu sheegay.
Ugu danbayntii ayuu sheegay in raga qaxa usoo nibankaan ay yihiin rag kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya,inta lagu jiray bishii ramdaana ay xiriir badan la samayanyeen si uu u geeyo gurigaa uu ku noolyahay laftigiisa .
Waxaan uu tilmaamay in ahaayeen raga xiriirka lasoo samaynaysay Cali Gacmay iyo Yasiin Yaabow.
Ariintaan Maanta ay soo bandhigatay Wasaarada Amniga ayaa noqanaysa tii ugu horaysay oo uu fashiliyo qofkii loo soo dhiibay inuu ku qarxiyo guri uu leeyahay taliyo katirsan ciidamda amaanka Puntland.
Maakhir Media Boosaaso


