|

Dagaal Ka socda Waqooyiga Gaalkacyo oo Khasaare Gaystay

Gaalkacyo(MMedia) Dagaal culus oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa goor dhow dib uga qarxay bartamaha qeybta waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalkan oo daba jooga iska horimaad saaka ka dhacay magaalada ayaa waxaa uu u dhexeeyaa ciidamada amaanka Puntland iyo maleeshiyo deegaanka kuwaasoo isku maandhaafay hawlgal ay saaka ciidamada amaanka ka wadeen xaafada Garsoor ee waqooyiga Gaalkacyo.

Wariyaasha RBC Radio ayaa soo sheegaya in hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsanayo waxaana laga maqlayaa dhamaan xaafadaha kala duwan ee magaalada rasaasta qoryaha culus ka dhacda.

Weli lama soo sheegin turakoobka khasaaraha dagaalkan oo bilawday daqiiqado ka hor balse waxaa dagaalku uu saameyn ku yeeshay ganacsigii magaalada gaar ahaan agagaaraha xaafada uu dagaalka ka socdo ee Garsoor.

Waxaa xusid mudan in iska horimaad saaka ka dhacay isla xaafadaasi uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac iyadoo dadka dhaawacmay uu ku jiro taliyihii ciidanka amaanka Puntland ee Gaalkacyo Maxamed Maxamud Caanogeel.

Raxanreeb

Comments are closed