|

Raysal wasaraha Somaliya oo burtinle kula tukaday Shacabka

Purtinle-(MMedia)-R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal halkaasi oo uu ku Tukaday salaada Ciidul Fidriga.

R/wasaare Dr.Cabdi Wali Maxamed Cali ayaa maanta booqosho ku tagay magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyay xilli ay maanta ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga waxaana R/wasaaraha uu salaada Ciida ku Tukaday magaalada Burtinle.

maamulka gobolka Burtinle ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in uu soon booqdo R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyadoo maalmahanba uu R/wasaaraha socdaalka ku marayay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland halkaasi uu kulamo kula qaatay madaxda dowlad gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

R/wasaare Cabdi Wali ayaa la filayaa in uu magaalada Burtinle kula kulmo odayaasha, waxgaradka iyo maamulka gobolka si ay uga warbixiyaan xaalada gobolka.

R/wasaaraha xukuumadda ayaa lagu wadaa in socdaalkiisa uu goor dhow soo gabagabeeyo kaddibna uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxa uuna R/ u anbabaxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Comments are closed