|

Bosaso oo si wayn looga ciiday

Bosaso-(MMedia)-Munaasabada Ciidul fidriga oo maanta ku beegan isla markaana laga ciidaayo inta badan wadamada Islaamka ayaa si ka duwan sanadihi hore looga ciiday magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ahna magaalo ganacsiga Puntland.

Salaada Ciida ayaa lagu tukaday Masaajida waa weyn iyadoo dadweynaha kala duwan ay isku tageen masaajida si ay u tukadaan salaada,iyadoo sanadihi hore lagu tukan jirey fagaareyaasha waaweyn ee caanka ah.

Maamulka gobolka ayaa xalay ku dhawaaqay in Salaada Ciida lagu tukan doono garoonka kubadda cagta ee loo yaqaano Isbartiimada,waxaana dadku aad ula yaabeen markii saaka la arkey isbartiimada oo aan cidna la joogin oo lagu tukanaayo keliya masaajida.

Ciidamada amaanka ayaa xalay la wareegay isbartiimada amaankeeda,waxaana isla galabnimadii shalay la nadiifiyey garoonka isla markaana lagu rusheeyey biyaha,waxaana weli la garan la’ayaha sababta loogu tukan waayey isbartiimada.

Maamulka degmada Bosaaso iyo qaar kamid ah Waxgaradka gobolka ayaa shacabka kula tukaday Masjidka Mubaarak ee xaafada laanta hawada,waxaana Salaada kadib Duqa degmada Bosaaso ee dhowaan la doortay Xassan Cabdalle Xassan jeediyey khudbad taabanaysa arimaha magaalada.waxaana xusid mudan in aanay jirin masuul ka tirsan gobolka ama Xukuumada Puntland oo yimid goobta.

Wuxuu ugu baaqay shacabka qaybaheeda kala duwan in ay gacan siiyaan maamulkiisa dhowaan la doortay isla mar ahaanta laga caawiyo sida uu ugu guuleysan lahaa wax ka qabashada howlaha horyaala.

Garaad C/laahi Cali Ciid oo isna ku hadlay magaca Issimada Puntland wuxuu shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland uga hambalyeeyey munaasabadaan qiimaha leh ee Ciida,wuxuuna u rajeeyey in ay ku noolaadaan nabad iyo barwaaqo.

Magaalada oo hadda lagu jiro waqtiga kuleylaha isla markaana laga sii baxaayo ayaan sidoo kale u camirnayn sidii sanadihi hore,walow loo aaneynaayo dadka oo intooda ku maqan xagaa baxa.waxaana jirta in dadku ay ka cabanayaan dhar la’aanta ka jirta Suuqa sanadkaan.

Ayuub C/raxmaan

Maakhir Media Bosaso

Comments are closed