|

Burco si wayn looga Ciiday maanta

Burco(MMedia)Munaasibada ciidul_fidriga ayaa manta si baaldhan loogaa tukaday Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ,iyadoo subaxnimadii hore ee saaka loo dareerey tukashada salaada Ciida. Goobaha ay sida baldhan dadweynuhu isugu soo baxeen ayaa waxa kamid ahaa Saylada Xoolaha,Garoonka hawlaHA Guud,Masjid Jaamica Iyo Garoonka Kubada Cagta oo ahaa goobtii ay dadka ugu badani ku tukadeen labada rakcadood ee salaada Ciidul fidriga ayaa waxa halkaasi kula tukadey Waiirada C/laahi Jaamac(Geeljirre)iyo Wasiirka cadaalada ,Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Yasin Muxumed Cadi,Duqa Degmada Maxamuud Axmed Xasan Dhagolaab iyo Masuuliyiin kale oo badan.

Kahor intii aan la tuikaN salaadi Ciida ayaa waxa ugu horeyn halkaasi ka Hadley Sh.Cali Warsame oo kamida shuyuukhda waaweyn ee Soomalida waxaana uu halkaasi kazoo jeediyey Qudbad diinaya oo ku saabsan Cabsida rabi iyo ka dheeraansha ibleyska ,waxa kale oo sheikh cali warsame ka Hadley falal amaan darro oo baryihii u danbeysay kusoo badaneyey magaalada Burco waxaana uu dadweynaha usoo jeediiyey dadweynaha in ay ka hor tagaan wixii khal kahla iyo amaan darro ah garabna siiyaan dawlada.

Waxa kale oo madshaasi ka Hadley Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Yaasin Muxumed Cabdi sheegeyna in ay magaalaada soo galeen dad farabadan oo xoolahoodii ka leysay abaartii dabada dheereyd ee dalka ka dhacday kuwaasi oo kunoola xafadaha kala duwan ee Magaalada waxaana hadaladiisii kamid ahaa”dadweynaha reer burco waxaanb idinka codsanayaa in aad u gurmataan oo garabsiisaan dadkiina kazoo xaroodey miyiga ee abaartii ka leysay xoolahoodii kuwaasi oo kub tabaaleysan xaafadaha Aadan Saleebaan,Koosaar,Hodan iyo Aktoobar” Waxa kale oo Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ka Hadley Sixirka Raashinka Quutal daruuriga ah ee sare u kacay iyo hoos u dhaca lacagta doolarka waxaana uu Gansacsatada ka codsadey in dadka ay u naxariistaan oo jabiyaan raashinka oo boqolkiiba konton aaney awoodin in ay iibsadaaN c/raxmaan Axmed Raage oo kamida gudida wanaag farista iyo Xumaan reebista oo isna munaasibadani ka Hadley ayaa sheegey in haayadani oo ah hayad sharciya kana diiwaan gashan dawlada ay qabneyso dhamaan waxyaabaha Xumaanta ah sida in dhalinyaradu gabdhaha iyo wiilasha ee isu kaxaysta banaanka magaalada ay qaban doonaan maxkamadna la hor geyn doono sidaasi daraded waa in ay ka digtoonaadaan dhalinyaradau Wasiirka Wasaaradakaluumeysiga iyo kheyraadka badda C/laahi Cismaan Geeljire oo isna madashaasi hadal kooban kazoo jeediyey ayaa waxa uu dadweynaha reer Burco ugu hanbalyeeyey munaasibada ciida awgeed,waxaana uu wasiirku ku amaaney magaalada Burco horumarka dhinaca Wershadha iyo iskaashiga ay ku talaabsatay.

Waxaana ugu danbeyntii halkaasi lagu tukadey labada rakcadood ee Sunaha ah ee Salaada Ciida,iyadoo kusoo gabagabawday Jawi nabadeed.

Comments are closed