|

R/wasaare C/weli Iyo Madaxweyne Faroole oo Hashiis Ku Gaaray Garoowe

Boosaaso(MMedia) Gudi kakooban wasiiro kakala socda Puntland iyo Dowalada fadraalka ee Soomaaliya sadedii malmood oo uu raysalwasaarha soomaliya garoowe kusugnaa kulamo kulahaa magaalda garoowe waxaan au kulamadaa kasoo sareen heshiis ay gareen Labda dhinac ee Puntland iyo Dowalada Fadraalka ee Soomaaliya

hashiiska labada dhinac ay gaareen ayaa waxaa uu ka koobnaa 13 qodab kuwasoo ahaa sidaan

1.Waxaa la isku raacay xoojinta wada shaqaynta iyo xariirka joogtada ah ee labada dhinac.
2.Waxaa si buuxda la isku raacay in la meel mariyo heshiiskii horay loo galay (Heshiiskii Galkacyo 23 August 2009 iyo Isfahamkii iskaashiga xagga amniga iyo burcad-badeeda {MOU} ee Nairobi ee 12 April 2011).
3.Waxaa labada dhinac isla ogolaadeen in si wada jir ah looga shaqeeyo adkaynta nabad-galyada ,la dagaalanka argagaxisada ,burcad-badeeda iyo tahriibta.
4.Waxaa la isku raacay in Puntland laga taageero tababarada , gunooyinka iyo qalabaynta ciidanka Amniga ,sida ciidanka boliska ,Nabad-sugida , Asluubta IWM.
5.Waxaa la isku raacay in dib loo dardargaliyo ka shaqaysiinta Akademiyada boliska carmo ,lana dhamaystiro dhismaha iyo qalabaynta xaruntaasi si looga maarmo tababarida dibada loo aado.
6.Iyadoo la tixgalinayo baahida loo qabo difaaca xeebaha dalka ,waxaa labada dhinac isla garteen in la dhiso ciidanka badda soomaaliya.
7.DFKMG ah waxay ku dhiirigalinayaa puntland inay kobciso horumarinta dhaqalaheeda iyo siyaasadeeeda{ecinomic and political develoment}.
8.Si looga hortago soo noqnoqodka abaaraha waxna looga qabto waxyaabaha sababa aafooyinka {root causes}, waxaa labada dhinac isla gaarteen in loo adeegsado qeyb kamid ah mucawinooyinka qaab cusub oo wax ka tari kara gargaarka degdegga ah ee bini’aadanimo iyo horumarinta dalka,sida qodista ceelasha dhisidda warab biyeedyada,kobcinta kaabayaasha dhaqaale,abuurista shaqooyin iyo ilaalinta deegaanka.
9.Waxaa la isla gartay in mucawinooyinka imaanay dalka si isu dheelitiran loo qaybiyo loona gaarsiyo dalka oo dhan.
10. Waxaa la wada aqoonsaday in xaalada barakacayaashu sii xumaanayso maalin walba tiradoona ay sii kordhayso , hadana gobalada Puntland ay ku sugan yihiin in ka badan 400,000 Ruux , beesha caalamka ay ka helaan taageero kooban , sidaasi awgeed waxaa la isla gartay in loo sameeyo qorshe midaysan oo ku wajahan wax ka qabadka arimaha barakacayasha iyo dadka abaaruhu saameeyeen ee Puntland.
11.Waxay labada dhinac soo jeediyeen in la dhamaystiro Dastuurka faderaalka ah xiliga kala guurka.
12.Waxay labada dhinac ku heshiiyeen dhamaystirka marxaladda KGM ah iyo dhisida Dowlada Soomaaliya oo faderaal ah , waxaa si gaar ah hoosta looga xariiqay dhisida iyo dhiirigalinta maamullo Fedaraali ah oo Buuxiya sharuudaha Axdiga KGM Somaaliya.
13.Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in la ilaaliyo ,lana hormariyo arrimaha Xaquuqul Insaanka.

Hashiiskaan qodabda kasoo baxay ayaa waxaa saxaafda u akhriyay wasiirka waxbarashda iyo tacliinta sare Dowlada fadraalka soomaaliya Dr Axmed Caydiid Ibraahin waxaan goobta uu saxaafada ugu akhrinaaya ku sugnaa madaxwaynha Puntland iyo Raysalwasaarha soomaaliya

Dawladda Federaalka waxaa u saxiixey Raysalwasaare Dr.Cabdiweli Cali Gaas, Halka Puntland uu u saxiixey Madaxweynaha Puntland.Dr.Cabdiraxmaan Faroole

Maakhir Media Boosaaso

Comments are closed