Waraaqo Lagu Daadshay Gaalkacyo iyo Hayado Isaga Baxay
Gaalkacyo(MMedia) Waraaqado digniino ah ayaa maanta lagu daadiyay amgaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo waraaqahaas looga digayay howlaha Hey’adda MSF ka wado Isbitaalka Magaalada ee ku yaala dhinaca Koofurta.
Lama oga ilaa iyo hada cida waraaqahan daadisay, isla markaana ka dambeysay, hase ahaatee shaqaalaha ka howl gala Isbitaalka ayaa lagu wargeliyay inay joojiyaan howlaha ay ka hayaan.
Shaqaalaha Ajaaniibta ee ka howl galayay Isbitaalka ayaa durba bilaabay inay isaga baxaan, waxaana barqanimadii maanta diyaarad ka raaceen garoonka diyaaradaha Galkacyo.
Hanjabaadaha ayaa keenay in Shaqaalaha Ajaaniibta inay qaataan go’aan ay gebi ahaanba uga baxaan Magaalada Galkacyo.
Dadka ku nool magaalada Galkacyo ayaa walaac ka muujiyay hakadka ku imaan kara howlaha Isbitaalka u haya bulshada, kaasoo ay ku jiraan bukaano kala duwan.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulada labada dhinac ee ku aadan waraaqahan hanjabaada, laakiin waxay ku soo beegmeysaa xilli mudooyinkii u dambeeyay ay ka jireen Magaalada Galkacyo falal ammaan daro.
Maakhir Media Gaalkacyo
