|

Dagaalo Mar Kale Kasoo Cusboonaday Mudug

Gaalkacyo(MMedia) Dagaal gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waxaa uu Labo Maleeshiyo Beeleed ku dhexmaray deegaanka Dhegtuur ee gobolka Mudug. 

Dagaalkaani ayaa la sheegay in barqo nimadii maanta uu dib uga qarxay deegaanka Dhegtuur ee oo ka mid ah deegaanada ku yaalla Xadka kala qeybiya gobolada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya, waxaana dagaalkaani uu u dhaxeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo  kasoo kala jeeda Maamullada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug. 

Inta la’ogyahay ku dhawaad 10-ruux ayaa ku geeriyootay halka tiro intaasi kabadanna ay ku dhaawacmeen dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Dhegtuur ee gobolka Mudug, waxaana wararku ay sheegayaan in dhinacyadaasi ay isku adeegsadeen hub cul culus. 

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Max’ed Cumar Hagafeey oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka ay soo qaadeen Kooxo Maleeshiyo ah oo kasoo jeedda Maamulka Galmudug State, wuxuuna intaasi ku daray in dagaalka uu wali soconayo lagana yaabo in uu sii kordho khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. 

Max’ed Cumar Hagafeey ayaa waxaa u xusay in dagaalkaasi uu yahay mid ayaan darro ah, isagoo iska fogeeyay in dagaalkaasi ay ka qeyb qaadanaa Ciidamo ka tirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamay deegaanka Dhegtuur in dagaalkasi ay ku joojiyaan si shuruud la’aan ah. 

Labada Maleeshiyo Beeleed ayaa la tilmaamay in dagaalkoodu uu salka ku hayo dhul daaqsin ku yaalla deegaanka Dhegtuur, iyadoo inta badan Maleeshiyaad ku sugan goboladaasi ay ku dagaallamaan dhul daaqsin iyo ceelbiyoodyo, waxaana la xusuustaa in dhowr jeer ay isku dayeen qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen beelaha mar waliba ku dagaallama halkaasi.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed