|

Sidee looga diyaar Garoobay Gobolada Hayland iyo Sanaag Cidul Fidriga

S/Hayland-(MMedia)-Wararka ka imaanaya Gobolka sanaag ayaa sheegaya in si aada looga diyaar garoobay munaasbada ciidul fidriga ee soo socota iyadoo dadka ku nool Gobolka sanaag gabi ahaanba ay u diyaar garoobeen .
waxaa si aada looga dareemaya suuqyada waawayn ee magaaloyinka  gobolka Sanaag oo ay kamid yihin sida Badhan Hadaaftimo Buraan Ceelbu iyo Ceerigaabo Ceel Afwayn Shinbirlaae  FIqiga iyo yube damala xagare carmale.
Magaaloyinka aan soo sheegnay ayaa waxaa ad looga dareemaya u diyaar garo ku aadan munaasbada ciidul fidlrga iyadoo suuqyada waawyan aad looga  iibsanayay alaabaha kala duwan sida dharka iyo kabaha waxaa sidookale ay iib sanayeen Bariiska Noocyadiisa kala duwan iyadoo ay uu iibsanayaan sidii ay ugu bixin lahayen Fidrida .
Waxaa si aada loga dheehan kara gabi ahaanba suuqyada magaaliyinka waawayn ee sanaag  damaashad iyo dad aad ubuuxa iyadoo ay dadkani ka badan yihiin sidii sanadadii hore waxa ay kuu sheegayaan dadka iibiya alaabaha kala duwan oo aan la xidhidhnayw axay sheegayaan inay kaba duwan tahay ciidani ciidihi hore iyadoo ay dadkuna badan yihiin aalaabahana ay ad u iibisanayaan.
Dhanka kale Gobolka Haylaan aya isna aad looga dareemay u diyaar garowga ciida waxaa dabadan oo kusuga degmada dhahar ee casumada Hayland ay noo xaqiijiyeen in ay magaaladu aad u camiran tahay dhanka alaabaha iyo dadkaba waxaa ay masuuliyiinta degmada noo sheegeenin ay sanadkani yahay sanad aad u khayr badan oo siwayn loogu diyaar garoobayo ciidul fidriga.
sidoo kale magaaloyinka hoostaga Degmada ayaa iyana aad looga dareemaya sida degamda dariska la ah Dhahar ee xingalool iyana waxaa ay kuu sheegyaan dadka halkaasi ku nool in si aada loogu diyaar garoobay munaasbada ciidda waxaa ay kalo ay iisheegeen in si aada loo iibsnaayo alaabaha kala duwan ee ciida sida bariiska Kabaha Dharka iyo IWM.
Isku soo wada xoooriyoo waxaa labada Gobol ee sanaag iyo Haylaand aad loga dareemayaa u diyaar Garow ka  duwan kuwi hore waxaa ay  buux dhaafiyeen  suuqyadii waawaynaa ee magaaloyinka taasina ay keentay in ay ka duwanaato ciidiihi hore
Maakhir Media Sanaag/Hayland

Comments are closed