|

Hargaysa oo siwayn loogu diyaar garoobay ciida.

Hargaysa-(MMedia-Waxaa suuqyada waawayn iyo gabi ahaanba magaalada Hargaysa lagu arkayaa u diyaar garow ku aadan munaasabada ciida iyadoo ay dad badani isugu soo baxeen bartamaha magaaalada Hargaysa waxaa sidoo kale aad arkaysa suuqyada waawayn ee hargaysa oo camiran dad awgii.

Waxaa si ada u socd  dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyadoo ay dadku iibsanayaan alaabaha kala gadisan ee ciida iyo sidoo kalena ay iibsanayaan sida hdarka kabaka iyo wixi loo isticmaali jiray  ciida.

Ganacsadayasha iibiya alaabaha ayaa sheegay in ay sanadkani yahay sanad ka duwan kii hore iyagoo ku macneeyay in  iibsiga alaabaha ay dadku iibsanayaan uu ka duwan yahay kii hore kana faaido badan yahay sida uu iisheegay maxamed ducale liiibaan oo  suuqa ku haysta bacadle ama meel dharka iyo kabaha lagu iibiyo

dad badan ayaa isugu soo baxay suuqyada waaywan ee Hargaysa iyadoo ay xidhan yihiin isu socodka gaadiidka iyadoo ay ciidamada police-ka amaanka sugayaan waxaa waxa iyana aan goobta ka maqnayn Taraafikada oo kala ilalalinaysa Gadiidka buux dhaafiyay suuqyada iyo dadkaba .

Dadku waxay isugu jiraan Haween Rag iyo Caruur iyagoo  dhex mushaaxaya suuqyada waawayn ee hargaysa wadad dheer ee isku xidha madaxtooyada iyo suuqa Shirac le ayaa gabi ahaanba aad mooda dadka in lagu soo daadiyay iyadoo ay usoconayaan Raxan raxan dad ah.

Gabi ahaanba waxaa la adkeeyay amaanka iyadoo ciidi wax yar uu n ka harsan yihin hadii anayba noqon maalinta bari ah waxana ay dadku u diyaar garoobeen si wayn oo ad u balaadhan.

Maakhir Media Xafiiska Hargaysa

Comments are closed