|

Man United oo Edbisay Arsenal iyo Man City oo Dherbaaxo Kulul Ku dhufatay Tottenham

London(MMedia) Kooxda Arsenal ayaa maanta la kulantay Taariikhdeeda maalintii ugu Madoobayda ee ay soo martay ka dib markii Kooxda Man United 8gool ku quusisay waxaanay noqonaysaa markii ugu horaysay ee goolaal tiradaas le,eg laga dhaliyo Kooxda Arsenal oo maalmahan jaahwareer ka haystay dhinaca Farsamda kubada oo ay ugu wacnayda kooxda oo ay ka tageen ciyaaryahano badan waxna aanay soo iibsan xiligigan ay furan tahay kala iibsiga ciyaartooyda oo ay ka hadhsan tahay ilaa afar beri

Tababaraha kooxda Arsenal Anser Wenger oo waraysi siiyay ciyaarta ka dib BBCSPORT ayaa raaligelin u diray taageerayaasha Kooxda Arsenal isagoo leh waan ka xumahay wixii manta dhacay oo ahaa dhulgariir lasoo dersay Kooxda

Tababaraha Kooxda Man United ayaa dhoolacadaynayay ka dib markii uu arkay kooxdiisa oo si arxandaro ah u jiidaysa Kooxdii ay xaga Kubada isu necbaayeen oo uu mudo sugayay inuu sidan oo kale u galo nasiib wanaagse waa uu helay wuxuu uinta badan ku taamayay

Inkastoo aanay weli xirmin kala iibsiga ciyaartoyda hadana weli arsenal ma hayso liiska ciyaaryahano ay u baahan tahay gaar ahaan dhinaca difaaca oo noqday wado halaqmareen waxaanay kooxdani u muuqataa inaanay sanadka danbe soo gaadhin afarta kooxood ee hore madaama aanay haysan ciyaarhanao ku filan waxaana booska ka riixanaysa kooxda Liverpool oo labadii sano ee ugu danbeeyay aan safan koob horyaalada Yurub waxaanay sanadkan u muuqdaan kuwo usoo tafaxaytay inay dib ugu soo noqdaan Horyaalka Yurub

Kooxda taajirta reer Abudhabi ee Man City ayaa si xarago leh dhulka u jiiday kooxda Totenham waxaanay ku guraaceen gurigeeda oo ay kaga dhaliyeen 5-1 waxaanay tani cadaynaysaa awooda aan gabashada lahayn ee ay lasoo baxaday kooxda Man City oo hada u muuqata inay ku guulausan doonto Horyaalka Ingiriiska mudo ku dhow ilaa 40 sano

Weeraryahanka Dzeko ee reer Bosniya ayaa afar gool u dhaliyay Kooxdiisa Man City waxaanu noqonayaa Ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Reer Man City oo dhaliya Afar gool hal ciyaar waxaana intaba badan kubadaha usoo qaabaynayay Ciyaaryahanka kazoo wareegay Kooxdaii maanta dhulgariirka xumi ku dhacay ee arsenal Samir Nasri oo maanta Garoonka White Hart lane wacdaro ka muujiyay

Magaalada Manchetar waxa ka socda dabaal degyo aan is ogayn oo ay dhigayaan Taageerayaasha labada Kooxood ee Man City Iyo Man United oo col daahood go,ay ah waxaanay qolo waliba u dabaal degaysa guusha ay kooxoodoodu soo hoysay halka London Northkeeda oo ay ka dhisan yihiin labadii kooxeed ee maanta ciida la cunsiiyayna ay ka socoto isu tacsiyadayn guuldaro

Maakhir Media London

Comments are closed