Bambo Ay caruur ku ciyaarayen oo ku qaraxaday qaarna ay ku dhinteen
Muqdisho-(MMedia)-Bambo ay caruur ku ciyaarayeen oo ku qaraxday iyadoo ay labana dhinteen mid kalena uu dhaawac soo gaadhay waxaa ay caruurtani ku ciyaarayeen Xaafadda Al shareeca ee dagmada Kaaraan.
Qaraxan ayaa dhacay saaka barqanimadii iyadoo ay dadku maqlayeen dhawaaqa qaraxa waxaase dadka inta badan ay moodayeen madaafic dagaal oo ay ciidamdu tijaabinayeen balas waxay ogaaden in markii dane uu yahay qarax.
Mid kamida dadka deegaanka ayaa sheegayn in uu yahay qarax ku qarxay caruur kuwaasi oo ku ciyaaray kadib markii ay meel ka heleen iyadoo u asiibay laba kamid halka mid kalena uu yahay dhaawac.
wararka ayaa sheegaya in markiiba ay halkaasi gaadheen ciidamda amaanka iyadooo markii danbena ay qadeen dhakhaatirta gurmadka kadibana midkii dhawac ahaa la geyayay isbitaalka.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka buxa wax yaalaha qarxa ee ay isticmalaali jireen kooxi kasoo horjeeday dawalada iyo dagalaadii sokeeye iyadoo aan lagaba gurin magaalada banmooyinka buuxa oo khatar ku ah dhalaanka iyo dadka kaleba
Maakhir Media Xafiska Muqdisho
