|

Booliska Magaalada Muqdisho oo Gacanta ku Dhigay Gaadhiga ay Kabuuxaan Walxaha Qarxa

Muqdisho(MMedia) Saraakiisha ciidamada booliska dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay inay ku qabteen magaalada Muqdisho gaari ay ka buuxaan waxyaabo qarxa. 

Fiidnimadii caawa ayaa waxaa ay sheegeen Saraakiil ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya in ciidamada booliska dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen gaari madoow oo Marked-2 ahaa kaasi oo la sheegay inay ka buuxeen waxyaabo qarxa.

Afhayeenka ciidamada booliska dowladda KMG Soomaaliya Gaashaanle sare C/laahi Xasan Bariise oo arintaasi uga waramay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in gaarigaasi ciidamo kuwooda ah ay ka qabteen meel baabuurta lagu dhaqo oo ku taala Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho,  waxaana uu sheegay Afhayeenka inay ku wareejiyeen gaariga ciidamada Nabad sugida dowladda. 

C/laahi Xasan Bariise ayaa sheegay in  dad ay ku qabteen gaariga aysan jirin balse waxa uu sheegay in  arintaani ay ka dambeeyaan waxa uu ku sheegay kooxaha nabad diidka kuwaasi oo xusay inay ku fashilmeen inay ku waxyeeleeyaan waxyaabahaasi qarxa dadka shacabka ah,  isagoo carabka ku dhuftay inay baaritaano ku hayaan halka uu ka yimid gaarigaasi iyo halka uu ku jeeday.

 Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed