|

Burcadbadeed sii dayay Markab Hor Leh

Nayrobi(MMedia)-Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa siidayay Markab iyo shaqaalo saarnaa oo in muddo ah ay gacanta ku hayeen, iyadoo aan la shaacin lacagaha Madax furasho ee Markabkaasi laga qaatay.

Sida ay sheegtay Shirkadda iska laheyd Markab lagu magacabo MT-Polar, Kooxaha  burcad badeeda Soomaalida ayaa sii daayay Markabkaasi oo ay ka afduubteen meel u jirta 600, oo Mayl Xeebaha dalka Soomaaliya bishii October.

Shirkaddaani oo Saldhigeedu yahay Magaalada Athens ee dalka Greek ayaa waxa ay sheegtay in wada hadallo dheer kadib ay u suuro gaashay in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay isku afgarataan sii daynta Markabkaasi oo aan la shaacin lacaga madax furashada ah oo ay ka bixiyeen.

Markabkaani oo uu ka dulbabanayay Calanka dalka Panama ayaa waxaa uu waday 72,825-tan oo Xamuul ah, waxaana la socday Shaqaallo gaarayay ilaa 24-ruux oo u kala dhashay wadamada Romania, Greek, Montenegro, Serbia iyo dalka Filipino, iyadoo ay xusid mudantahay in mid ka mid ah shaqaalihii Markabkaasi la socday uu geeriyooday intii ay gacanta ku hayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Maakhir Media Muqdisho.

Comments are closed