|

Raysal Wasaare C/wali Gaas Oo Booqday Xeryaha Qaxotiga iyo wasaradaha+SAWIRO

Garowe-(MMedia)-Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali oo socdaal ku jooga magaalada Garoowe ee caasimadda  Puntland ayaa maanta booqday xerooyinka ay degenyihiin dadka Barakacayaasha ah ee ka barakacay gobollada dalka.

Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliyey mas,uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland waxaana uu ukuurgalay xaalada dhabta ah ee haysata dadka ku jira xeryahaasi oo waqtigan ay heysteen dhibaatooyin dhanka nolosha ah oo ka dhashay Abaaraha inta badna ka jira gobollada dalka.

Isaga oo Saxaafada kula hadlayey gudaha Xero ku taala duleedka magaalada Garoowe oo ay degenyihiin dad Barakacayaal ah ayuu sheegay Ra’isulwasaaruhu in loo baahan yahay Caalamka guud ahaan inay gar gaaraan shacbiga Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan gaar ahaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool meelaha gar gaarka la gaarsiin karo.

Kormeerkaan uu maanta ku tegay Xerooyinka ay degenyihiin dadka Barakacayaasha ah ee ku yaala magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa qeyb ka ah Socdaalka uu Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali ku joogo Puntland waxaana dhanka kale uu isla maanta Ra’isulwasaaruhu kormeeray Xarrumaha Wasaaradaha maamulka Puntland.

Kormeerka Wasaaradaha

Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa waftiga si diiran ugu soo dhaweeyey wasaaradda wuxuuna aad ugu mahadceliyey raysalwasaaraha, wasiirka Caafimaada Federaalka iyo guud ahaan waftiga Federaalka iyo Puntlandba booqashadooda isagoo ku tilmaamay in booqashadu ay wasaaradda caafimaadka u tahay mid taariikhi ah, wuxuu ka warbixiyey baahiyaha caafimaadka isagoo sheegay in xaalado kala duwan ay dalka ka jiraan. wasiirku waxa uu sheegay inay wada shaqeyn leeyihiin wasaaradda caafimaadka ee Federaalka oo uusan caafimaadka isagoo wasiirka dhigiisa ahna kusoo dhaweeyey wasaaradda si khaas ah.

Hoolka Shirarka ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa waftiga loogu diyaarshey warbixin guud iyo soo bandhigid waxqabadyadii ugu danbeeyey ee wasaaradda iyadoo ay soo jeediyeen Wasiir ku xigeenka Dr. Ducaale, Agaasimaha guud Dr. C/risaaq, Agaasimaha qorsheynta Dr. C/risaaq Xasan iyo Agaasimaha Caafimaadka aasaasiga ah C/risaaq Garweyne. waftigu aad ayay ula dhaceen wasaaradda caafimaadka sida ay isugu dubaridan tahay waxayna sheegeen inay layaab ku noqotey sida wasaaradaasi ay u diyaarsan tahay.

Waftigu waxay booqdeen oo kale Wasaaraddaha Haweenka iyo Qorsheynta waxaana waftiga soo dahweeyey labada Wasiirka ee kala ah Wasiirka Haweenka Caasho Geele Diiriye iyo Wasiirka Qorsheynta Daa’uud Maxamed Cumar. wasiirada haweenku waxay waftiga raysalwasaaraha uga warbixiyey wasaaradaha waxqabadkeeda iyo caqabaha waxayna sheegtey in wasaaraddeedu tahay wasaaradd balaaran oo lagu soo daayey guud ahaan haweenkii, wasaaraddan oo la aasaasey 2005 tii waxay wasiiraddeeda Caasho sheegtey inay wax weyn buslhada u tartey oo ayna ugu qareento baahiyaha haysta haweenka iyo qoyska.

Hadalka Rayas wasaaraha

Runtii waxaan soo booqanay wasaaradda Caafimaadka, Waxbarashada, Jaamacadaha EAST Afrika iyo PSU, ISbitaalka guud, Wasaaradda haweenka iyo wasaaradda qorsheynta oo aanu kusoo gabogabaynayno booqashadayada, waxan ka xumahay in wasiiradii haweenka iyo qorsheynta inaysan ila socon lakin meelihii kale aanu tagnay wasiiradii dhigooda ahaa ayaa ila socda sida Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirak Waxbarashada waxayna ka wada hadli doonaan sidii ay sikaashi buuxa u wada yeelan lahaayeen

Maakhir Media Garowe.

Comments are closed