|

Qarax Gilgilay Xarunt UNka ee Magaalada Abuja

London(MMedia) Qarax bam ayaa ka dhacay dhismaha Qaramada Midoobay ay ku leedahay magaalada Abuja ee caasimadda waddanka Nigeria.

War ayaa sheegaya in shaqaale caafimaad uu sheegay in toban qof ay dhinteen , qaar badanna ay jiri karaan.

Isbitaal ku yaalla halkaasi ayaa sheegay in 60 qof la keenay, oo intooda badan xaaladoodu ay liidato.

Isbitaalka ayaa waxa uu soo jeediyay codsi ah in dadku ay dhiig ugu deeqaan.

Qofka qaraxa sameeyay ayaa la arkayay isaga oo baabuur la soo galaya dhismaha Qaramada Midoobay ka hor intii aanu dhicin.

Qaraxa ayaa burburiyay muraayadaha dhismaha oo shan dabaq ah, oo qeyb ahaanna ay xafiisyo ku leeyihiin safaaradaha ajnabiga.

Wasiirka arrimaha dibedda Nigeria oo booqatay qoogbta qaraxa ayaa sheegtay in qaranka Nigeria oo dhan uu naxsan yahay, kana argagaxsan yahay dhacdadan naxdinta leh, wana cambaareyneynaa arintan, ayay tiri oo ay aaminsan tahay inay qaadeen aragagxiso aan tabarlahayn oo fulyayiin ah.

Waxa ay ku tilmaantay weerarka lagu qaaday dhismaha Qaramada Midoobay inuu la micno yahay weerar beesha caalamka laguq aaday

Maakhir Media London

Comments are closed