Lix Nin oo gaalkacayo ay ku dileen Dablay hubaysan
Gaalkacayo-(MMedia)-Maagalada Gaalkacyo ayaa maanta lagu dilay lix nin oo rayid ah oo ku sugnaa maqaayad ku taala xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Dilkan loo geysatay dadkan rayidka ah ayaa la sheegay in ay geeysteen Afar nin oo ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca kuwaas oo baxsaday dilka kadib.
Ciidamada booliiska ee maamulka Puntland oo tagay goobta shilku ka dhacay ayaa sheegay in ay wadaan baritaano la xiriira ciddii ka dambeeysay dilkaas iyo sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka dadkaasi balse arintan ayaa loo arkaa in ay qeyb ka tahay falalka amaan darida ah ee xiliyadii la soo dhaafay ka jiray magaalada Gaalkacyo.
Maakhir Media Gaalkacayo.
