|

Raysal wasaare C/wali oo Garowe Maanta Soo Gaadhay+Sawiro

Garowe-(MMedia)-Raysal wasaraaha DKMG ee Somaaliya ayaa maanta ka degey Magalada Garowe ee caasiamda puntland halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyay halkaasi.
Ra’isulwasaare C/weli ayaa waxaa la socda wafdi ka tirsan xukuumadiisa  wasirka waxbarashada wasiirka caafimaadka iyo wasiiru dawlaha gashaandhiga  iyo Saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’isulwasaaraha.
Madaxda dowladda Puntland iyo dadweyne aad u farabadan ayaa Ra’isulwasaaraha ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Garowe, wuxuuna Ra’isulwasaare C/weli salaan sharaf ka guddoomay Xutub ka tirsan ciidanka Daraawiishta .
Wafdiga Ra’isulwasaaraha ayaa loo soo galbiyay Aqalka Madaxtooyada Puntland halkaasi oo uu kula kulmi doono Madaxda Puntland sida Madaxweyne C/raxmaan Faroole.
Raysal wasaraha Somaliya Mr Gaas ayaa intii aanu kasoo tagin magaalada muqdisho ayuu saxaafada la kumay isagoo ka hadlay ujeedad u  halkaasi u aadayo waxaana uu sheegay in uu dooonayo uu la kulmo madaxda puntland isagoo doonaya in uu so celiyo xiriirkii labada dhinac.
waxaa kaloo u sheegay in uu hor dhac u yahay wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxaynaha Somaliya Shiikh Shariif in ay soo aadan magaalada Muqdisho
Maakhir Media Garowe

Comments are closed