|

Waxaa Magaalada Hadaaftin ku Geeriyooday Caaqil Caanka ahaa Sanaag Marxuum Bashiir Ducaale

Hadaaftimo-(MMedia)-Waxaa magaalada Hadaaftimo ku geeriyooday Alle ha unxariistee  Caaqil magacwayn ku lahaa Somaaliya  marxuum Bashiir ducaale iagoo mudo xanuusanay waxaa malinimadii shalay ahayd  uu ku dhintay magaalada hadaaftimo ee Gobolka sanaag.

Nabadoonka Geeriyooday ayaa ahaa nabadoon aad u jeclaa nabada isagoo dadkii yaqaanay ay sheegen in uu ahaa marxuum aad u nabad jecel isla markaan heshiisn jiray dad badan oo is qabtay waxa uu xilka ahayay mudo aad u dheer iyadoo uu  mudooyinkanba xanuusanayay Alla ha u naxariistee marxuumka.

Marxuumka ayaa lagu yaqanay wadani jacayl iyo nabad jacayl isagoo ka qayb qaatay marxuumka heshiisyadii  sagaashamaadkii halkaasi oo kaalin wayn ka qaatay sidii  nabad loo gaadhi lahaa waxa uu goob joog ka aha shirar badan oo lagag hadlayay nabadaynta iyo is dhexgalka bulshada .

Alla Ha u naxariistee  marxuumka tarikhdiisa waan idin soo gudbindoonaa .

Halkan waxaa tacsi ka diraya dhamaan Bahda Maakhir Media OO Ugu horeeyo Tafatiraha webkaa maakhir Abdirisaak Maxamed Siciid Jidible(Shabcaan) Mulkiilaha Webka Abdiraxmaan dhoore

Mursal Axmed Cabdi,Zakariye Ibraahim Faras ,Maxamed Abdiraxmaan, Abdinuur Sharmaarke iyo dhamaan dadka somaaliyed oo leh inaalilaahi wa inaa ilayhi raajucuun  ilaahay janadii fardowsa haka waaraabiyo Amiin insha alaaah .

Maakhir Media Hadaaftimo.

Comments are closed