|

Qadaafi Ninkii soo qabta waxaa la siinayaa 1.6 Malyan Dollar

Libiya-(MMedia)-Koox ganacsato reer Liibiya ah ayaa dul dhigey madaxa Qaddaafi nolol ama geri adduun dhan $1.6 Miyan, waxaana ay sheegeen in lacagtan lagu abaal marin doono kooxaha haatan isaga ka agdhow kuwaas oo garanaya halka uu ku dhuumanayo haddii ay soo sheegaan ama qabtaan, ama haddi ay awoodaan qudha ka jaraan.

“Golaha Qaranka ee kumeelgaarka ah, waxa uu ka helay taageerayashiisa maalqabeenada ah in ay bixinayaan 2 milyan oo diinaar, soo qabashada Mucamar al-Gadhafi, nolol ama geeri” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Qaranka kumeelgaarka ah Mustafa Cabduljaliil.

Qadaafi ayaan la garanayn meesha uu ku sugan yahay waxaa dad badani ay la yaaban yihiin lacagta la dul dhigay iyadoo ay ganacsatadani  sheegen in  ninkii soo qabta nolol ama geeri ay  sii doonaan abaal marintaasi  taasina u suurta galin doonta in lasoo sheego halka uu ku  sugan yahay

Weli waxaa ka socda caasimadda Liibiya ee Tripoli, gubida iyo bur-burinta raadadkii Qadaafi ee 42-dii sano ee la soo dhaafey uu halkaas uga sameeyey magiciisa iyo muuqaalkiisa.

Arintan ayaa waxaa si aada u falan qeeyay dadka ka faaloda arimaha afrika iyadoo ay sheegen in ay tani daba taalo sidii sadaam xuseen iyado ay sheegen in markii sadaam laga guulaysatay lawaayay waxaana la dul dhigay lacag gaadhaysay 25 malayan oo doolar iyadoo markii danbena laga helay beer dhexdeeda god kuyaal,maantana waxay noqotay in  lacag la dul dhigo Qadaafi taaasina ay sheegen ganacsatada kaso horjeda qadaafi.

Qadaafi ayaa isagu ku hanjabay in uu u dhiman doono wadankiisa  iyadoo uu sheegay in ay la dagaalami doonaan halkaasina ay dhibaato kala kulmi doonaan  waxaa maanta ay ku damashadaayaan Tripaly balse waxa laga qaadi doonaa maydkooda.

Dalka Libiya waxaa wali ka socda  rabshadihii iyo dagaalki waxaan ay  wali is  hortaagan mucaaradkii iyo kooxaha taageersan  Qadaafi oo iyagu Saaran daaraha  dushooda halkaasina ka tooganaya kooxaha kasoo  horjeeda.

Maakhir Media Libiya.

Comments are closed