|

Tarsan” Waa in Haayadaha Caafimaadku ay wax ka qabtaan Isbitaalka Laansaleet”

Muqdisho-(MMedia)-Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Max’ud Axmed Nuur Tarsan oo maanta booqasho ku tagay Isbitaalka Laansaleeti ee degmada C/casiis ayaa waxa uu sheegay in Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha caafimaadka ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee la ildaran xaaladaha caafimaad daro.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu tilmaamay in Hay’adaha caafimaadka ee QM gaar ahaan Hay’adaha WHO iyo UNICEF aan laga ogalaan doonini in si mecno dara ah ay isaga joogaan Soomaaliya, isagoo shaaca ka qaaday in hada wixii ka dambeeyo ay la xisaabatami doonaan Hay’adahaasi.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG iyo ganacsatada Suuq Bacaad ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay kaga wada hadleen xaaladda suuqaasi oo ay saameeyeen dagaalada, iyagoo ganacsatada ay sheegeen in dowladda looga baahan yahay inay magdhow siiso ganacsatada si ay dib ugu dhisaan suuqa taasi oo Maamulka gobolka uu balan qaaday inuu gacan  ka geysanayo.

Cusbutaalka  Laansaleeti ee degmada C/casiis ayaa waxa uu ka mid ahaa Isbitaalada bur burka uu kasoo gaaray dagaalada magaalada Muqdisho, waxaana lagu dabiibi jiray Isbitaalkaasi dadka qaba cudurada kala duwan iyo wixii la mid ah.

Cusbitaaladraa magaalada muqdisho ayaa waxa ala dhigi jiray dhaawac yadii ku dhawacmi jirayt dagaaladii  ka dhici jiray muqdisho iyadoo ay intabadan aan la  daryeeli jirin cisbitaalada taasina ay ugu wacan tahay haayadaha oo ka gaabiyay  waajibkoodii.

Maakhir Media Muqdisho.

Fadlan  hadii aad doonayso inaad cidaada salaanto maalinta ciida Noogu soo hagaajo Ciwaanka aan  Aanu leenahay ee Webmaster@maakhir.net

Comments are closed