Diyaar Garowga ciida iyo Degmada Badhan Ee Gobolka Sanaag
Badhaan-(MMedia)-Waxaa si aada looga dareemaya magaalada badhan ee gobolka sanaag diyaar garowga ciida iyadoo ay ka harsantahay 5 cisho oo kaliya taasina ay dad badan lagu arkayay suuqyada waawayn ee magaalada Badhan waxaan ay dadku iibsanayaan alaabaha kala gadisan ee lagu iido maalinta farxada leh ee ciida.
suuqyada magaalada badhan ayaa si aada loo camiray iyadoo la keenay alaaboyin kala duwan oo loogu tala galay
munaasbada ciida sida dharka kabaha iyo waxyaabaha ay caruurtu ku ciyaaarto waxaa sidoo kale lakala iibsanayaa macishada kala duwan iyadoo ay ciidani tahay ciidul fidri oo ay ugu badan tahay shayga la iibsanayaa Bariiska .
dad aad u badan ayaa ku sugan magaalada badhan kuwaasi oo kala yimi magaaloyinka wawayn sida Bosaso iyo nawaaxiga magalaada iyo sidoo kale magaaloyinka ku dhow iyadoo ay ciidani kusoo beegan tay xili ciida ayaa waxaa magaalada buux dhaafiyay dad badan .
magaalada badhan ayaa ka duwan sidii ay ahaan jirtay ciidihii hore iyadoo magaaladu ay la ciir ciirayso dad badan waxa kaloo aad arkaysa suuqyada magaalada badhan oo ka duwan sidii lagu yaqanaay waxaana kuu shegayaan dadka ganacsatada ah ee degen Degamda badhan in ay ka faaido badan tahay sanadadii hore iyadoo ay sidoo kalen ayba ka dad badan tahay magaaladu.
Isku soo wada xooriyoo magaalada badhan ayaa ah magaalo ad u balaadhan iyadoo sanadba sanadka ka danbeeya ay kasii balaadhanayo waxaan ku socda dhismayaal aad u tira badan .
Maakhir Media Badhan.
Fadlan hadii aad doonayso inaad cidaada salaanto maalinta ciida Noogu soo hagaajo Ciwaanka aan Aanu leenahay ee Webmaster@maakhir.net
