|

Shirkii Adis Ababa ka socday Ee loga hadlayay dhaqale ururunta Abaaraha Somaliya oo soo gaba gaboobay

Muqdisho-(MMedia)-Waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kusoo gebo geboobay shir dhaqaalle loogu ururinayey dalalka ay abaaruhu saameeyeen ee ku yaala gobolka Geeska Afrika kaasi oo ay Soomaaliya ugu horeyso.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxda dalalka Afrika badankood waxaana furitaankiisa qudbad ka jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay xaalada dalka iyo saameynta ay abaaraha ku yeesheen nolosha dad badan oo Soomaaliyeed iyo sidoo kale heerka uu gaarsiisan yahay gurmadka ay Caalamku Soomaaliya u Sameeyeen.

Ra’isulwasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo goor dhow wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in shirka intii uu socday diiradda lagu saaray sida ay Afrika isaga gurman karto Abaaraha saameeyeey nolosha dad badan oo ay ku jiraan Malaayiin Soomaali ah gebo gebadiisiina ay dalalkii ka qeybgalay yabooheen dhaqaalle gaaraya 346Million oo doolarka Mareykanka ah.

Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in uu jiri doono shirkale oo daba socda shirkan kaasi oo ay yeelanayaan isla madaxda Afrika waxaana shirkaasi si gaar ah loogu eego doonaaa sidii ay u hirgaleen go,aamadii kasoo baxay shirkan kusoo dhamaaday Addis Ababa.

Dalal katirsan Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ugu horeyso ayaa waxaa saamayn ku yeeshay Abaarro waxaana shirkan oo ah shirkii ugu horeeyey ee inta ay Abaarahan soo ifbaxeen yeeshaan madaxda Afrika uu qeyb ka noqonayaa shirar dhowr ah oo ka dhacay dunida kuwaasi oo Soomaaliya la sheegay in dhaqaalle loogu yaboohay waxaase xusid mudan in dhaqaalahaasi badankii uu yahay mid loosoo marsiinayo Soomaaliya hay’adaha Q.M.

Radio Muqdisho

Maakhir Media Muqdisho.

Comments are closed