P/land oo Sanado Badan Ku Xukuntay Saraakiil Somaliland Ah
Garoowe(MMedia)
Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Garowe ayaa Xukuno ku Riday 8 eedaysane oo kamida Masuuliyiin & Ciidan laga soo Qabtay Deegaanka Taleex,
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Kowaad ee Garowe Shiikh C/nuur Jaamac Xuseen ayaa ku Dhawaaqay Xukunka Nimankan oo Tiradoodu ahayd 8 Nin,
“waxaa na uu yiri Maanta 4 Masuul oo Maxaabiista ka mid ahaa waxaa Lagu Xukumay Min 10 Sano Halka 4 Nin ee Ciidanka ah lagu Xukumay Min 5 Sano oo Xarig ah.maxaabiista maxkamada la Horkeenay ayaa waxay ahaayeen 9 Nin waxaana maxkamadu sii Daysay oo Xoriyadiisa loo soo Celiyey Mid kamida oo lagu Magacaabo Sharmaake Goohe oo isaga uu Maxkamada ka Horsheegay Xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaal Mr Dheeraad in uu ahaa nin Shacab ah oo aan ka mid ahay Raga kale oo lagu soo eedeeyey in ay Xubno ka yihiin Maamulka soomaaliland,
Sidoo kale Gaadiidka ay wateen Ragaan & Hubkii ayaa Maxkamadu ku Dhawaaqday in lagala wareegay ayna la wareegayaan Ciidamada Booliiska Puntland
Maakhir Media Garoowe
