|

Safaarada Jabuuti Ee Somaaliya OO deeq gaadhsisay Ciidanka Naafada Somaaliyeed

ciidanka naafada ee ku jira Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa Deeq gudooon dawooyin ah Gudoonsisay Safaarada dowladda Jabuuti ee Soomaaliya .

Deeqdaani oo aheyd dawooyin ay ku jiraan kuwa nafaqada ayaa maanta Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya waxa ay gaarsiisay ciidanka Naafada xooga dalka Soomaaliyeed ee ku jira Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay heystaan xaalado caafimaad daro.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Dayib Dubad Rooble oo Saxaafadda kula hadlay gudaha Isbitaalka ayaa waxa uu sheegay in dawooyinkaani oo gaaraya 40-tan ay ku wareejiyeen qeybta caafimaadka ee Isbitaalka Martiini,  isagoo tilmaamay in deeqdaasi loogu tala galay in wax looga qabto xaaladaha caafimaad daro ee heysta ciidanka Naafada.

Dayib Dubad Rooble ayaa waxa uu sheegay in deeqdaani dawada ah ee loogu tala galay dadka naafada ah uu amarkeeda bixiyay Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele,  waxaana uu intaasi ku daray Safiirka in Jabuuti ay sii wadeyso dadaalada ku aadan wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed.

Maakhir Media Muqdisho.

Comments are closed