Madaxwaynaha puntland oo kala diray maamulkii Gobolka Mudug Kuwa kalena Magacaabay
Bosaso-(MMedia)-Madaxwaynah Puntland Dr C/rixamaan Maxamed Maxmuud ayaa maanta xilka looga qaaday gudoomiyahii Gobolka Mudug ahaana duqa Gaalkacyo Maxamuud C/raxmaan Cuuke , oo Halkaasi oo uu hayay mudo aan badanay hadaba wareegto uu soo saaray madaxwaynah puntland ayuu ku magacaabay masuuliyinta kala ah,Maxamed Yuusuf Jaamac waxaa loo magaacabay Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Mudug,Farxaan Cali Xirsi Gudoomiye kuxigeenka Koowaad
Axmed Muuse Nuur Gudoomiye Ku xigeenka labaad
Madxwaynaha Puntland ayaa sidoo kale si ku meel gaar ah waxaa uu u magaacabay duqa dagmada Galkacyo iyo ku xigeenkiisa kuwasoo loo kala magacaabay Saciid Cabdi Faarax duqa magaalada Galkacyo Daahir Maxamuud Muuse ku xigeenka duqa magaalada Galkacyo
Wareegatadaan kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha Puntland ayaa waxaa lagu xusay in uu madaxwaynuhu markuu arkay xilgudasha la’aanta maamulkii hore uu madaxwaynaha Puntland Dr C/rixamaan Maxamed Maxmuud uu xeeriya magaacbidaan cusub.
Magaalada Gaalkacyo malaha gole deegaan oo dadka deegaanku iska soo xuleen tan iyo markii Madaxweynaha Puntland wareegto ku kala direy golihii deegaanka ee uu guddoomiyaha u ahaa Cabdiraxmaan Maxamud Xaaji Xassan.
Xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo waxaa qayb ka degan maamulka Galmudug, waxaa muddooyinkii la soo dhaafey ka dhacaayey dilal qorsheysan, dagaal beelaha qaarkood isaga hor yimaadeen, iyo kooxo fikir diimeed kala duwan aaminsan oo masaajida qaarkood isku weeraray.
Dhawaan ayaa caasimadda Puntland ee Garowe waxaa shir ku yeeshay waxgaradka iyo duqeytida gobolka Mudug iyo Maamulka Puntland waxaana ay ka wada hadleen xaaladda gobolka Mudug iyo sidii loo hor marin lahaa, war murtiyeed laga soo saarey shirkaas laguma xusin in isbedel lagu sameynaayo maamulka Gobolka, waxaase la aaminsan yahay in waxyaabihii laga wada hadley ay ka mid ahayd isbedel lagu sameeyo maamulka
Maakhir Media Bosaso.
