|

Raysal wasaaraha Somaliya Oo ka hadlay Abaarta Haysa Somaliya inay Aad u daran tahay

Muqdisho-(MMedia)-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in wali abaarta ay ka taagantahay gobolada dalka, wuxuuna ugu baaqay wadamada Caalamka inay laba jibaaraan deeqaha ay soo gaarsiinayaan Soomaaliya.

C/wali Max’ed Cali Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KM Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in wali ay taagantahay dhibaatada abaareed ee ka jirta inta badan gobolada dalka Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay wadamada bilaabay inay gar-gaaraan shacabka Soomaaliyeed inay sii wadaan dadaalladooda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa xusay in gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ay walia ka jiraan abaarta saamaysay dadka iyo duunyada, isagoo tilmaamay in bulshada xilligaani ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin kala duwan sida uu hadalka u dhigay.

C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda ay amar u qabaan inay nabad kusoo celiyaan deegaanadii iyo degmooyinka laga saaray Al Shabaab si ay dib ugu laabtaan Guryahooda qoysaskii horey halkaasi ugu barakacay.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed