|

Bosaso oo koronta la’aan ka jirto

Bosaso-(MMedia)-Intii lagu jirayba bishaan Augosto,2011 gudaha magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxaa si weyn laga dareemay Koronto la’aan baahsan.

Koronto la’aanta ayaa saameynta ugu badan waxa ay ku yeelatay Xaafadaha,meherdaha ganacsiga magaalada kuwaasi oo inta badan u Isticmaala korontada hawlahooda shaqo iyo guryaha.

Maxamed Zuud oo la hadlay Horseed Media kana mid ah dadka ku dhaqan Bosaso ayaa sheegay in si weyn uga cabanayaan in Koronto la’aan ay ku dhacdo iyada oo lagu jiro Xili kulul iyo mid Ramadaam.

Sidoo kale wuxuu sheegay inta badan xiliga Salaada subax la tukado ilaa marka laga  afurayo in korontadu ay kamaqantahay,taasina ay tahay arrin ay ka xunyihiin.

Luuq-luuqyada magaalada ayaa ah kuwa marka la marayo wadnaha farta lagu hayo,kuwaasi oo hoy u noqday Tuugo manaxayaal ah.

Shirkadda Korontada ee EENEEYO oo inta badan siisa Korontada ugu badan Bosaso ayaa sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan ay sheegeen in ay soo wajahday Shidaal la’aan iyo cilado joogto oo dhinac matorada ah,taas oo laga baqo in ayba qaraxaan xiliyadda duhurkii uu magaaladu heerkulku gaaro 46-degrees.

Fuustada Shidaaka ayaa qiima ahaan gaartay bishaan $265 taas oo si weyn looga dareemay Bosaso balse dekeda weyn ee magaalada ayaa shalay waxaa kusoo xirtay markab sida Shidaal,waxaana la filayaa in qiime dhimis lagu smaeeyo Shidaalka,magaaladuna hesho koronto joogto.

Horseed Media

Maakhir Media Bosaso

Comments are closed