Banaanbax Loogu magac daray Malinta Xornimada Muqdisho Oo ka dhacay Muqdisho
Muqdisho-(MMedia)-Banaanbixii loogu magac daray maalinta guusha Muqdisho oo loo aqoonsaday Lixda bisha Agoust oo ah maalintii magaalada Muqdisho inteeda badan laga saaray Al-Shabaab.
Banaanbaxa ayaa waxaa kasoo qaybgalay
Waxgarad,dhalinyaro,xildhibaano,haween,gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo mas,uuliyiin kasocotay Dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jaahweyn iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas.
Qaban qaabada Banaanbaxa ayaa waxaa iska lahaa islamarkaana si weyn uga dhexmuuqday ururada Bulshada rayidka sida ururada Haweenka iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed.
Mas,uuliyiin kala duwan ayaa Banaanbaxaasi ka hadlay oo uu kamid yahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo isagu ku dheeraaday isbedelka ku yimid magaalada Muqdisho iyo sida loogu baahanyahay in shacbiga magaalada Muqdisho ay uga faa’ideystaan Isbedelkaasi oo ay u istaagaan horumarka ay gaareen inay sii adkeystaan ama ay difaacdaan midnimadooda.
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas oo qudbad ka jeediyey Banaanbaxan ayaa ugu horeyn tilmaamay in uu aad u faraxsanyahay guusha laga gaaray magaalada Muqdisho iyo in uu maanta kasoo qeybgallo Banaanbax si Nabad ah u dhaca oo lagu qabto garoonka Koonis Stadium oo kamid ahaa meelahii laga saaray Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab.
Ra’isulwasaare C/weli ayaa ku dheeraaday xaalada guud ee magaalada Muqdisho iyo Isbedelka ku yimid waxaana uu tilmaamay in Xurriyadda ay maanta ku naaloonayaan dadka reer Muqdisho ay tahay mid dhiig loo bixiyey islamarkaana ay dad badan naftooda ku waayeen loona baahan yahay in dadka reer Muqdisho ay midnimadooda Xajistaan maadaama ay iska dul qaadeen heeryadii gummeysiga Madoow.
Mudane C/weli Maxamed Cali ayaa dhanka kale ka hadlay xaaladda Ammaan ee magaalada Muqdisho iyo isbedelka ku yimid waxaana uu tibaaxay in magaalada guud ahaan laga dareemayo isbedel dhinaca Amniga ah kaasi oo guud ahaanba Caalamku u wada jeedaan taana ay keentay in magaalada ay yimaadan Wufuud kala duwan oo Caalamka ka socday oo uu kamid ahaa Ra’isulwasaarihii Turkiga Rajab Dayib Ordagon,Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu Walaalaha nahay ee reer Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubno kale oo dhowr ah hadana magaalada ay ku suganyihiin wafdi ka socda Iiraan.
Maakhir Media Muqdisho.
