|

Wasiirka Arimaha Debeda Ee Dalka Iran oo soo gaadhayMuqdisho

Muqdisho-(MMedia)-Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda Iran Cali Akbar Saalixi ayaa sacadihii lasoo dhaafay isaga iyo Wafdi uu hoggaaminayo kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya C/samad  Macalin Max’ud iyo Mas’uuliyiin kale oo ka socota dowladda.

Cali Akbar Saalixi, Wasiirka arimaha dibadda ayaa la sheegay in uu Magaalada Muqdisho u yimid in uu indha indhayn ku sameeyo xaaladaha ka jira dalka Soomaaliya iyo qoysaska ku dhibaataysan Xerooyinka barakacayaasha ah ee Muqdisho sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow Madaxda dowladda oo soo dhaweeyay Wasiirka.

Waa markii ugu horaysay ee ay yimadaan  masuliyiin ka socota wadanka Iran iyadoo ay dhawaan  yimaadeen Raysal wasaaraha Turkiga iyo afdi uu hogaaminaayo iyadoo sidoo kalen uu yimi dhaxal sugaha wadanka Emarit-ka  taasina ay  u suurta galinayso in  ay yimaadaan maaxda dalalka kala duwan ee aduunka iyadoo ay maanta muqdisho tahay amaan.

Maakhir Media Muqdisho.

Comments are closed