Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Warsaxaafadeed
Warsaxaafadeed
Hargaysa-(MMedia)-Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda.
Waxaanu Madaxweynuhu ku yidhi Dhaqan galka xeerkan sidan :-
Markuu Arkay:
Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Helay:
Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-15/534/2011, ee Ansixinta Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda,
Markuu Arkay:
Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wuxuu Soo Saaray,
Dhaqan-galka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada JSL.
Maakhir Media Hargaysa.

