|

Wafdigi Puntland ee Gaaray Deeganada Gobolada Bari iyo Karkaar Oo dib ugu Soo laabtay Bosaso kana warbixyay socdalki

Bosaaso-(MMedia)-Wefdi kasocday Dowladda Puntland oo maalmahaan kormeerayay degaanada gobolada Bari iyo Karkaar ayaa  soo gaba gabeeyey socdaalkooda iyagoo gelinka dambe ee Shalay dib ugu soo laabteen magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari oo markii horeba ay ka ambabaxeen.

Mudo laba maal mooda ayay ayaa Wasiiradaan iyo Saraakiisha Amniga ay kormeer ku joogeen degmada Xaafuun ee degaanada kale ee hoos taga,waxaana ay socdaalkooda kusoo gaba gabeeyeen degmada Iskushuban ee gobolka Bari.

Wefdiga ayaa ka koobnaa;

* Wasiirka Amniga Col.Khaliif Ciise Mudan
* Wasiirka arimaha gudaha C/laahi Axmed Jaamac
* Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Shire
* Wasiir kuxigeenka amniga Cabdi Jamaal
* Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha Cali Yuusuf Xoosh
* Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan

Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo kamid ahaa wefdiga ayaa  warbaahinta u sheegay in socdaalkooda uu kusoo gabo gaboobay si wanaagsan isla markaana ay xog uruurin badan kasoo sameeyeen degaanada ay mareen isla markaana dadka iyo maamulka ay ka wareysanayeen xaaladaha ay ku sugan yihin iyo baahiyaha jira.

Wefdiga oo socdaalkooda ku horumariyey degmada Baargaal ee gobolka Bari ayaa inta aysan halkaas gaarin,waxaa weerar kusoo qaaday dhalinyaro kamid ah degaanka kuwaas oo taageersan maamul la baxay Raas Caseyr oo bilo kahor degaanadaas looga dhawaaqay isla markaana sheegtay inuu ka madax banaanyahay Puntland.

Wasiirka Amniga Col.Khaliif Ciise Mudan oo hogaaminayay wefdiga isla markaana aan khadka telefoonka caawa kula hadlay ayaa ii sheegay in Dowladda Puntland ay ka go’aan tahay in ay wax u qabato bulshada ku dhaqan degaanada ay soo mareen,wuxuuna carabka ku adkeeyey in baahiyaha halkaas ka jira ay dadaal u geli doonin sidii ay wax uga qaban lahaayeen.

Dawlada Puntland ayaa wada hawl galo ay ku sugayso amaanka iyadoo ay doonayso in ay kusoo celiso kala danbayntii iyo nidaamkiii dawladnimo iyadoo la shego in ay dawlada puntland ay ku eeg taahay oo kaliya magaaloyinka Bosaso Qardho Garowe taasina ay la macne tahay in aanay Gobolada kale aanay ka jirin Dawlad

Maakhir Media Xafiiska Bosaaso

Comments are closed